Kulankii Baarlamaanka labada Aqal oo dib loo dhigay

HomeWararka

Kulankii Baarlamaanka labada Aqal oo dib loo dhigay

Guddoonka labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay kulankii wadajirka ah ee Baarlamaanka labadiisa Aqal, kaas oo la

Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Jamaal Faarax Aadan, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Guddoonka Golaha Shacabka oo Go’aan ka gaaray Xildhibaannadii lagu doortay Gobolka Gedo

Guddoonka labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay kulankii wadajirka ah ee Baarlamaanka labadiisa Aqal, kaas oo la filayay in saaka uu ka dhaco Xarunta Villa Hargeysa eek u taalla Gudaha Madaxtooyada Soomaaliya.

Kulanka Baarlamaanka labadiisa Aqalka ee baaqday ayaa Ajandihiisu ahaa akhrinta 1-aad ee miisaaniyadda qaranka ee sannadka 2023, balse kulanka dib loo dhigay.

In kastoo guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya uusan shaacin sababaha baaqashada ayaa hadana la rumeysan yahay inay la xiriirto weerarka lagu qaaday Hotelka Reys ee Magaalada Muqdisho, halkaas oo weli ay rag hubeysan ka dagaalmayaan.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiikh Doodishe, ayaa sheegay in hotelka laga soo badbaadiyay dad shacab ah iyo masuuliyiin.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaan weli labaduba ka hadlin xilliga rasiga ah ee uu kulanka qabsoomi doono.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa bartamihii bishan ansixiyay $967.7 oo ah miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2023, iyaga oo u gudbiyay Baarlamaanka si ay uuga doodaan kadibna u meel mariyaan.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: