HomeUncategorized

Kulan lagu taageerayo Jubaland oo kadhacay Boosaaso (Sawiro)

Bosaso, May 22 - Kulan lagu taageerayo dhismaha dowlad goboleedka Jubaland ayaa maanta ka dhacay magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari.

DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Jamaal Faarax Aadan.
Baahin: Salaasa, Jun 14, Weriye Axmed Jookar ~ Daljir ~ Bossaso. R/wasaare Farmaajo oo shaaca ka qaaday in aanu is casili doonin, inta uu ka haysto kalsoonida baarlamaanka; Amb. Ebyan M. Saalax Ladane, safiirka Somaliya ee India oo ka xog warrantay xaalada maxaabiis Somali ah oo ku xiran xabsiyada India; Xeer ilaaliyihii maxkamada dabiyada culus ee Puntland, ee shalay xilka laga qaaday, oo ka xog warramay xukumadii ay riday & dambiyadii la hor keenay maxkamada; Wasaarada waxbarashada ee Puntland oo ku hawlan sidii shahaadada iskuulaadka & jaamacadaha ee Puntland looga aqoonsan lahaa caalamka.
Soomaaliya oo martigelinaysa shir madexeedka Urur goboleedka IGAD.

Bosaso, May 22 – Kulan lagu taageerayo dhismaha dowlad goboleedka Jubaland ayaa maanta ka dhacay magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari.

?
Kulanka oo uu soo qabanqaabiyay maamulka gobolka Bari ayaa waxaa kasoo qaybgalay nabadoonada, haweenka, iyo siyaasiyiin iyo xubno katirsan dowlada Puntland.
?
Shirka ayaa lagu muujiyay in sida bulshada gobolka Bari ay u taageersanyihiin maamulka Jubaland gaar ahaana xilka madaxwayne ee shirkii Kismaayo loogu doortay Sheekh Axmed Madoobe.
?
Salaado Abtidoon oo ka mid ah gudiyada 16-ka xaafadood ee magaalada Bosaso oo ka hadashay kulanka ayaa sheegay inay soo dhoweynayso shacabka Jubaland inay doortaan hogaanka maamulka Jubaland.
?
Nabadoon C/qaadir Xarago oo ka mid ah waxgaradka gobolka Bari oo ka hadlay xaflada ayaa ku nuuxnuuxsaday inay hambalyo bogaadin iyo iskaashi u dirayaan madaxwaynaha dhawaan la doortay ee Jubaland Sheekh Axmed Madoobe.
?
Nabadoonka ayaa waxaa uu sheegay inuu rajaynayo in la tixgaliyo dastuurka dolwadda faderaalka ee Soomaaliya oo faraya dalka inuu ka hirgallo maamuladii faderaalka ee ka mid ahaan lahaa dowladda dhexe ee faderaalka.
?
Gudoomiyaha gobolka Bari C/samad Maxamed Galan oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay sagaalka degmo ee gobolka Bari in laga taageeray maadxwaynaha cusub ee Jubaland iyo kuxigeenadiisa.
?
Dhinaca kale gobolka Sanaag ayaa lagu qabtay shir kan la mid ah oo uu soo qabanqaabiyay gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ciyoon iyadoo ay ka qaybgaleen xubno ka mid ah bulshada gobolka.
?
Shirarkaan ayaa daba socda kadib madaxwaynaha Puntland taageero dhawaan uu u muujiyay maamulka Jubaland, inkastoo maamulkaasi ay horyaaliin caqabado ay ka mid tahay xal u helidda diidamada dowladda iyo siyaasiiinta qaar ay ka muujinayaan maamulka madaxwayne Axmed Madoobe.
?
Diiwaanka wararka
?
Daljir Bosaso.
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: