R/wasaare Saacid oo kulan la yeeshay safiirka Soomaaliya u qaabilsan Midowga Afric sawiro

Muqdisho, 22, May, 2013)?Ra?iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay wafti uu hogaaminayo wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya Amb. Maxamed Saalax Anaadif iyo xubno ka tirsan saraakiisha sar sare ee AMISOM.

Kulanka Ra?iisul Wasaaruhu la yeeshay wakiilka midowga africa ?ayaa waxaa diirada lagu saarayey arrimaha ammaanka iyo kaalinta ay ka qaateen ciidamada AMISOM xasiloonida gobolada ay ka hawlgalaan ee ?Soomaaliya.?

Markii uu soo dhamaaday ?kulanku waxaa saxafadda si wadajir ah ula hadlay Ra?iisul Wasaaraha iyo wakiil Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya?Maxamed Saalax Anaadif.

Soomaaliya waxay xubin muhiim ah ka tahay midowga Africa oo maalmo ka dib u dabaal dagaya (50) guuradii ka soo wareegtay markii dhidibada loo asaasay midowga Africa, Soomaaliya waxay hormuud ka ahayd wadamadii asaasay Midowga Africa, Waxaan leeyahay hambalyo waxaan ururka ka rajaynayaa inuu sii xoojiyo sidii loo heli lahaa Africa oo gaarta horumar dhab ah? ayuu yiri Ra?iisul Wasaare (Saaciid).

Wakiil Midoga Africa u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay sida ay uga go?antahay Midowga Africa sidii ay dawladda Soomaaliya ?ugala shaqayn lahaayeen ?isku filaansho dhinacyo badan leh.

?Midowga Africa waxay u dabaal dagayaan (50) guuradii ka soo wareegtay asaaskii midowga Africa, waxaana ?u imid inaan dadka Soomaaliya kala qayb qaato dabaal daga Ururka,sidaas waxaa yiri?wakiil Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya?Maxamed Saalax Anaadif.

Magalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia waxaa 25 bishaan ku kulmaya madxweynayaasha wadamada afirca iyagoona u dabaal dagaya 50 guuradii ka soo wareegtay markii la asaasay midowga Africa, waxaana lagu wadaa in madaxweynayaasha Afirca shirkooda ay diirada ku saraan arrimaha Soomaaliya.\"\"\"\"\"\"

C/raxmaan Xuseen Xasan (Gaardi)

Daljir Boosaaso

?

?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com