HomeUncategorized

Kulan lagaga hadlayay dhaqan celinta dhalinta ka soo laabata falalka gurracan oo lagu qabtay Garoowe.

Garoowe, Nov 21- Dhismaha Xarunta Wasaarada Amniga Puntland ayaa maanta oo taariikhdu 21 November, 2012 waxaa lagu qabtey shir lagu soo bandhigey wacyigelino ku saabsan Nabada iyo Amaanka kaasi oo lagu baraarujinayo dhalinyarada ka soo baxda Al-shabaab iyo Burcad badeeda.

AMISOM oo sheegtay ciidamo cusub inay gaareen Baladwayne
Hargeysa: In ka badan 10 qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay meel suuq ah.
Maamulka Puntland oo Garoowe dhul ka siiyey Jaamacada Bariga Africa (Sawiro)

Garoowe, Nov 21- Dhismaha Xarunta Wasaarada Amniga Puntland ayaa maanta oo taariikhdu 21 November, 2012 waxaa lagu qabtey shir lagu soo bandhigey wacyigelino ku saabsan Nabada iyo Amaanka kaasi oo lagu baraarujinayo dhalinyarada ka soo baxda Al-shabaab iyo Burcad badeeda.


Wasiirka Ammaanka PL Col; Khaliif Ciise Mudan ,Wasiirka Cadaalada Dr.Cabdi Khaliif Xaaji Xasan Ajaayo ,Taliyaha Booliska Gen.Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa ka soo qaybgalay bilowgii kulankan.


Mashruucaan waxaa wasaaradaha Amniga iyo Cadaalada gacan ka siinaysa hayada UNDP ,waxana mashruuca hayadu ku bixisaa dhaqaale lacageed iyo mid agab.


Wasiirka Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa furitaankii shirka ka sheegay inuu yahay baraamijkaan wacyigalinta dhalinyarada mid aad u wanaagsan,uuna rajeynayo inuu hirgalo kaasoo la rajaynayo inay ka soo baxaan miro wanaagsan.


Wasiirku waxa sheegey barnaamijkab mid lagu badalayo dhaqanka dhalinyarada ka soo goosa Al-shabaab iyo kuwa kale uu ku jira falalka lidiga ku ah amaanka iyo xasiloonida.


Wasiirka Cadaalada ,Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Puntland Cabdi Khaliif Xaaji Xasan Ajaayo ayaa mahad celin ka dib hay’adda UNDP ugu baaqay inay kor u qaado barnaamijyada ay ka wado Puntland ,isagoona u tilmaamey inay wax ka qabtaan kor u qaadida tayada garsoorka.


Taliyaha booliska Puntland Gen.Maxamed Siciid Jaqanaf oo gabagabadii ka hadlay madasha ayaa waxa uu sheegay inay jireen dhalinyaro badan oo markii hore faraha kula jiray falal amni xumo ah balse hada ay ka waantoobeen ka dib markii loo qabtey wacyiglin ku saabsan nabada iyo amaanka.


Mashaariicda noocaan oo kalaa ayaa qayb ka ah dadaalo Puntland ay ugu jirto sidii loo hagaajin lahaa dhaqanka dhalinyarada la lumiyay ama si qasaba loogu biiriyay Alshabaab iyo Burcad badeeda.


Diiwaanka Wararka Daljir


(S)

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: