AMISOM oo sheegtay ciidamo cusub inay gaareen Baladwayne

Muqdisho, Oct 16 – Saraakiisha howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ka shanqariyay inay socdaan qorshe sare loogu qaadayo tirada ciidamada AMISOM ee ka howlgalaya magaalada Baladwayne xarunta gobolka Hiiraan.

Afhayeenka ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Muxumed oo u waramayay idaacadda Daljir ayaa sheegay inay jiraan ciidamo cusub oo kasocda howlgalka AMISOM ee Jabuuti oo shalay gaaray magaalada Baladwayne iyagoo kasoo galay xuduudda Jabuuti uu la leeyahay ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.

“Hadda waxaa Baladwayne ka howlgla sadex boqol askari oo AMISOM ah” sidaasi waxaa yiri afhayeenka AMISOM Col. Cali Aadan.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxaa afhayeenka? uu sheegay inay jiraan qorshe ciidamada AMISOM ee ka howlgallaya magaalada Baladwayne lagu gaarsiinayo ilaa kun askari oo qaarkood ay ka imaan doonaan dalal kalle oo ka mid ah Afrika.

Ciidamo kasocda Itoobiya iyo Jabuuti ayaa xiligaan ka howlgalaya magaalada Baladwayne, kuwaasi oo ciidamada Soomaaliya ka caawinaya amaanka magaalada, ciidamada Itoobiya ayaa horay loo qorsheeyay inay sii joogaan inta lasoo dhamaystirayo 1000-ka askari ee uu balanqaaday Midowga Afrika.
?

Diiwaanka Wararka

Daljir Bosaso.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com