Maamulka Puntland oo Garoowe dhul ka siiyey Jaamacada Bariga Africa (Sawiro)

Garoowe,18 March,2013?Madaxwaynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed ?Maxamuud Faroole ?ayaa maanta dhul gudoonsiiyey jamacada bariga Afica ?ee ?magaalada Garoowe.dhulkaan oo ah ku dhawaad ?3km ayaa waxaa uu ku yaalaa duleedka wiqooyi ee magaalada Garoowe wuxuuna u dhexeeyaa xerada 54-aad iyo qabuuraha khayr seexay.

?
Goobta loo calaamadeeyey Jaamacada bariga Africa ee magaalada Garoowe ayaa waxaa tagey madaxwaynaha Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole),duqa degmada Garoowe, C/casiis Nuur Cilmi Koor,gudoomiyaha Jaamacada Bariga Africa ?faraceeda Garoowe Maxamuud Xaaji Yuusuf ?iyo masuuliyiin kale.
?
Madaxwayne (Faroole) ayaa khudbad ka jeediyey meesha ?loo calaamadiyey dhismaha Jaamacada Bariga Africa ?isagoo sheegay muhiimada ay waxbarashadu leedahay iyo baahida maanta loo qabo ?horumarka jaamacadaha.
?
Jamacada Bariga Africa oo ah Jaamacada ugu ballaaran Puntland isla markaana faracyo ku leh dhammaan gobolada uu ka arimiyo maamulka Puntland iyo qaar ka mid ah degmooyinka ?ayaa waxaa magaalada Garoowe laga furay sanadkii 2010 xiligaas oo ay degtey guri kiro ah, balse is xilqaan ?ay sameeyeen madaxda jaamacada,ganacsatada iyo qaybo ka mid ah shacabka magaalada kadib ayaa waxaa la siiyey dhul balaaran oo ku yaala dhinaca koonfureed ee magaalada Garoowe,kaas oo ay haatan degantahay jaamacadu.
?
Dhulkaan cusub ee maanta la ?gudoonsiiyey jaamacada Bariga Africa ayaa ah kii labaad ee ay jaamacadu ku yeelato magaaalada Garoowe iyadoo ay si wayn u soo dhaweeyeen madaxda jaamacada iyo masuuliyiin kale oo ka mid ahaa Aasaasayaashii jaamacada Bariga Africa.
?
?

(C,X)\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"

Diiwaanka wararka Daljir
(C,X)
?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com