HomeUncategorized

Kooxda Kubbada Kolayga ee Magaalada Qardho oo Gaartay Finalka koobka M. Bariga iyo Bartamaha Afrika

Axad, May 31, 2015 (Daljir) — Kooxda kubadda Kolayga Qardho oo Somalia u matalaysa tartanka koobka magaalooyinka bariga iyo bartahama Qaaradda Africa ee Inter Cities ayaa guulo muhiim ah ka gaartay dhamaan kulamadii ay ciyaareen maalmihii la soo dhaafay.rn

Wasiirka Gaashaandhiga oo sheegay inuu sii socon doono howlgalka lagu qabtay Baardheere
DHEGEYSO-Haween gurmad gaarsiiyey deegaamo katirsan gobolka Karkaar.
Iibinta hubka oo laga mamnuucay magaalada Boosaaso.

Axad, May 31, 2015 (Daljir) — Kooxda kubadda Kolayga Qardho oo Somalia u matalaysa tartanka koobka magaalooyinka bariga iyo bartahama Qaaradda Africa ee Inter Cities ayaa guulo muhiim ah ka gaartay dhamaan kulamadii ay ciyaareen maalmihii la soo dhaafay.

Waxaa kooxdan ay u soo gudubtay finalka koobkan kaddib markii ay dhibco sare ay kaga badiyeen kooxda Daaru-salaam Stars oo koobkan lagu ciyaarayo gurigeeda, iyadoo kooxda Qardho ay DS ku gaaraaceen dhibco dhan 78-dhibcood.

“Dareenkaygu aad buu u sarreeyaa, waxaana doonayaa in dareenkan ay ila Qayb-sadaan dhamaan umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ,maanta guul ayaa u soo hoyatay Soomaaliya ,waxaana keenay dhalinyaradii ku ciyaariyay magaca magaalada Qardho “ ayuu yiri gudoomiye ku xigeenkii hore ee xiriirka kubadda Cagta ee Soomaaliya, ahna maamulaha kooxda Qardho City, Cabdirashiid Xasan Xirsi (Bakin) oo la hadlay BBC-da.

“ALLE ka sokow badiska ciyaartan waxaa inoo fududeeyay labada tababaro ee kooxdeena iyo  Yuusuf Cabdi Baari oo loo yaqaan Rayno oo isna  halkan bilad lagu siiyay maadaama uu guushaan aad uga qayb-qaatay “ ayuu mar kale yiri Cabdirashiid Xasan.

Dhallinyaradan Somalia matalaysa ayaa laga kala keenay dalalkaMaraykanka iyo Canada, waxaana maamulaha kooxdan uu sheegay in dhalinyaradan sababta loo keenay ay tahay sidii magaca Somaaliyeed kor loogu qaadi lahaa.

Ugu dambeyn, maamulaha kooxda Qardho ayaa sheegay in ciyaarta kama danbaysta ah ay  bari galab la ciyaari doonaan koox ka socota caasimadda dalka Masar ee Qaahira ,waxaana la filayaa in kooxda soomaaliya matalaysa ay sanadkan koobka qaaddo.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: