HomeUncategorized

Kooxda Booko Xaraam oo weerar ku qaaday xarun Police oo ku taalla magaalada Kano.

Nigeria,Feb 7 -Rag hubaysan oo la rumaysanyahay in ay ka tirsanyihiin kooxda mintidka ah ee Booko Xaraam ayaa banbaanooyin iyo hubka darandooriga u dhaca ku weeraary xarun Police oo ku taalla magaalada labaad ee ugu dadka badan dalka Nigeria ee Kano,iyadoo qaraxyo kale laga maqlayey magaalada Maiduguri, oo ah saldhiga kooxdan xagjirka ah ee Booko xaraam.

DHEGEYSO-Ciidanka DFS iyo Galmudug oo lasaftay mid kamid dhinacyada ku diriraya Dhabad.
Laamaha Amniga Garoowe oo fashiliyey Qarax miino iyo baaritaano lixaad leh oo socda (Dhegeyso)
DHEGEYSO-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo kahadlay colaada Sool.

Nigeria,Feb 7 -Rag hubaysan oo la rumaysanyahay in ay ka tirsanyihiin kooxda mintidka ah ee Booko Xaraam ayaa banbaanooyin iyo hubka darandooriga u dhaca ku weeraary xarun Police oo ku taalla magaalada labaad ee ugu dadka badan dalka Nigeria ee Kano,iyadoo qaraxyo kale laga maqlayey magaalada Maiduguri, oo ah saldhiga kooxdan xagjirka ah ee Booko xaraam.

Sarkaal ka tirsan Police-ka dalka Nigeria ayaa sheegay in kooxda weerarka qaaday ay dab qabadsiiyeen saldhigan Police-ka oo ku yaalla degmada Sharada ee magaalada kano,kaddib markii ay u suuragashay in ay xoog ku galaan xaruntaasi ciidamada ammaanka.

Booko xaraam ayaa hore u sheegatay massuuliyadda weeraradii isku xigxigay ee beryihii ugu dameeyey lagu qaaday qarankaasi ugu dadka badan qaarada Africa ee Nigeria,waxana dhacdooyinkii ugu caansanaa ka mid ahaa weerarkii 20kii bishii January lagu qaaday magaalada kano oo la xaqiijiyey in ay ku dhinteen 185 qof.

Farmasi ku yaallay meel suuq ah ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in ay qarxiyeen kooxdan mintidka ah ,waxana xaruntaasi caafimaad ay ku taallay magaalada Maiduguri, oo xudun u ah Booko Xaraam.

Booko xaram oo qaadaysay kacdoon heerkiisu hooseeyo oo ka dhan ah dowladda Nigeria ayaa sheegaysa in ay dooneyso in ay shareecada islaamka ku soo rogto dalkaasi Nigeria oo ay ku noolyihiin dad gaadhaya 160 malyuun oo qof oo kala haysta diinta Islaamka iyo tan Masiixiyada.

Sirdoonka Nigeria ayaa sheegay in ay qabteen afhayeenkii ururkaasi arbacadii,inkastoo nin isaga sheegayanaya uu saxafiyiinta kala soo hadlay magaalada?Maiduguri.

Abdirashid Musse
Daljir Bosaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: