Kim Jong Un oo muddo 20 cisho kaddib fagaare ka soo muuqday

Kim Jong Un oo muddo 20 cisho kaddib fagaare ka soo muuqday

Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Jim Jong Un oo warar kala duwan ay ka soo baxayeen xaaladiisa ayaa markii u horeysay fagaare ka soo muuqday.

Kim Jong Un ayaa markii u dambeysay ee fagaare lagu arko waxay aheyd 12 bishii April, waxaana markii xilligaas ka dambeeyay shaki la geliyay xaaladiisa caafimaad.

Qaar ka mid ah warbaahinta Caalamka ayaa wax ka qoray xaaladiisa iyo shakiga la geliyay inuu nool yahay iyo in kale.

Hase ahaatee waxaa uu si lama filaan ah shalay uga soo muuqday goob uu xarigga kaga jarayay warshada sameysa qalabka bacriminta beeraha.

Sababta xaaladiisa caafimaad shaki loo gelinayay waxay aheyd kaddib markii uu ka baaqsaday ka qeyb galka munaasabadda lagu maamuuso xuska awoowgii oo ku beegan 15 bisha April oo sanad walba la xuso

Kim Jong Un ayaa waligiis ka baaqsanin munaasabadda xuska awoowgii, waana tan keentay in shaki badan la geliyo caafimaadkiisa, iyadoo caalamka oo dhan uu saf mar uga socdo cudurka Coronavirus.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com