Kiisas cusub oo cudurka Coronovirus oo laga helay dalka Kenya

HomeWararka

Kiisas cusub oo cudurka Coronovirus oo laga helay dalka Kenya

Dowlada Kenya ayaa xaqiijisay in saddex ruux oo horleh laga helay cudurka Coronoviruska iyadoo guud ahaan tirada laga helay cudurkan dalka Kenya ay ga

Daynta cafinteedu socoto ee Soomaaliya goormaa la galay, Maxayse ku baxday?
Xulashada Daljir iyo Ayaanle Cabdullaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Cabdiraxmaan Cabdishakuur: “Dalku wuxuu galay xaalad hoggaamiye Kooxeednimo

Dowlada Kenya ayaa xaqiijisay in saddex ruux oo horleh laga helay cudurka Coronoviruska iyadoo guud ahaan tirada laga helay cudurkan dalka Kenya ay gaartey sagaal ruux.

Wasiirka Caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe ayaa saxaafada u xaqiijiyay in la helay kiisaskan cusub ee cudurka Coronoviruska.

Labo ka mid ah saddexdan ruux ee laga helay cudurkan ayaa la sheegay inay ahaayeen lammaane ka yimid dalka Spain soona maray wadanka Imaaraadka Carabta iyagoo yimid magaalada Nairobi 5tii bishan March.

“Qofka saddexaad ee laga helay cudurka ayaa ka soo jeeda dalka Burundi waxana uu ka soo galay dalka Kenya wadanka Imaaraadka,waxana uu yimid 17ka bishan oo shalay ku beegneyd.”ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka Kenya.

“Waxaan raadineynaa labo kale oo xiriir ay wadaageen bukaankan,isagoo xusay dhammaan dadka laga helay cudurka ay dibada ka yimaadeen.”ayuu sii raaciyay Wasiirka Caafimaadka.

Qaar ka mid ah wadamada ku yaal bariga Afrika ayaa waxaa lagu arkay cudurka Coronovirus balse illaa hadda ma jiro cid u dhimatay cudurkan soo gaaray geeska Afrika.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: