Cabdiraxmaan Cabdishakuur: “Dalku wuxuu galay xaalad hoggaamiye Kooxeednimo

Siyaasig Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ahne gudoomiyaha Xisbiga Waradajir oo ka hadlay xaalada dalka uu marayo ayaa sheegay in wadanku uu galay waji hugaamiye kooxeednimo, isaga oo madaxweynaha waqtigiisu idlaaday ku eedeyay in uu jabinayo sharciga iyo xeerka dalka u yaala.

Waxaa warbaahinta shir jaraa’id ugu qabtay maanta maagalada muqdisho isaga oo sheegay in ay halis galineyso haddii farmaajo la aqoonsado waxii la soo tabcayay labaatankii sano ee la soo dhaafay, waxaa kale oo uu daaha qaaday in xiriir hoose uu Ereteritya kala dhaxeeyo Farmaajo, taasi oo kala geyneysa soomaaliya iyo beesha caalamka.

Dhanka kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur warbasame ayaa sheegay in uu magaalada muqdisho ka soo fuqsaday boorarkiisii musharaxnimo, waxaana uu ku micneeyay in doorasho iyo musharaxnimo aysan jirin.

Waxaa uu dhaliil u soo jeediyay Maamul Goboleeedyada taageeray sharcigii ay meel mariyeen baarlamaanka soomaaliya, madaxweynaha waqtigiisu dhamaadayne uu saxixay, waxaana uu sheegay in ay ku shaqeeyaan amarka dowlada dhexe.

Beesha caalamka ayaa dhaleeceysay go’aankii ay Golaha Shacabka Soomaaliya muddo labo sano ah ugu kordhiyeen dowladda Soomaaliya, Midowga Yurub, Mareykanka iyo UK ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta go’aankan.

Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in wadahadalada dib loogu soo laabto lana qabto doorasho iyada oo lagu saleynayo heshiiskii 17 September.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com