Khilaafka Khaliijka Carabta iyo Mowqifka Dowlad Goboleedyada Soomaalida (dhegayso)

HomeWararka

Khilaafka Khaliijka Carabta iyo Mowqifka Dowlad Goboleedyada Soomaalida (dhegayso)

Madaxwaynihii xilka uu ka qaaday baarlamaanka Hirshabeelle Cali Cabdilaahi Cosoble ayaa soo saaray go' aan uu ku taageerayo dowladaha isbahaysiga Sacu

Caawa & Daljir iyo Xasan Heykal, Daljir Bossaso (dhegayso)
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (daawo)
Madaxweyne Gaas oo si Diirran Yataboori loogu soo Dhaweeyey (sawirro)

Madaxwaynihii xilka uu ka qaaday baarlamaanka Hirshabeelle Cali Cabdilaahi Cosoble ayaa soo saaray go’ aan uu ku taageerayo dowladaha isbahaysiga Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta go’doominta ay kusoo rogeen dowladda yar ee Qadar ee ay dariska yihiin Sacuudiga.

Go’ aanka madaxwaynaha xilka uu ka qaaday baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxaa uu yimid iyadoo shalay warsaxaafadeed kasoo baxay Puntland si buuxda loogu taageeray dowladdaha Sacuudiga uu hogaaminayo, horayna Somaliland ayaa go’ aankan mid la mid ah qaadatay, iyadoo dowladda dhexe ee Soomaaliya ay horay u sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay siyaasadda cakiran ee sibahaysiga Sacuudiga iyo Qatar, hadaba maxaa lagu fasiri go’ aamada dowlad goboleedyada iyo kan dowladda dhexe, Maxamud Cabdi Ibraahim ayaa waydiiyay diblumaasi Maxamed Caalim oo siyaasadda Soomaaliya ka faalooda.

DHEGAYSO

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: