Kheyre oo sheegay in dib habeyn lagu sameyn doono hannaanka caddaaladda dalka

HomeWararka

Kheyre oo sheegay in dib habeyn lagu sameyn doono hannaanka caddaaladda dalka

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa caddeeyay in loo baahanyahay in dib-u-habeyn ballaaran lagu sameeyo

Xulashada Daljir Xaawo Axmed iyo Daljir Garoowe (dhegayso)
Madaxweyne Qoorqoor iyo James Swan oo ka wada haday doorashada Soomaaliya (daawo)
U Diyaar Garowga Ciidul Carafa ee Suuqyada Garoowe iyo Diidmada Shilling Soomaaliga (dhegayso)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa caddeeyay in loo baahanyahay in dib-u-habeyn ballaaran lagu sameeyo hannaanka caddaaladda dalka oo ah jiridda dowladnimadu, si loo helo nidaam dowladeed oo isu dheelli tiran.

Mudane Xasan Cali Khayre oo ka qayb galay munaasabdda xuska sanad guurada 50aad ee aasaaska ciidanka asluubta Soomaaliyeed, ayaa sheegay in guulo wax ku ool ah laga gaaray dib-u-habeyntii lagu sameeyay Ciidanka Booliska iyo Milatariga.

Waxuu Ra’iisul Wasaaruhu intaa raaciyay in si cadaalladda loo horumariyo ay muhiim tahay in la iska kaashado ka gudbidda dhammaan caqabadaha, ciidanka qarankuna ay noqdaan albaabka cadaallada laga gelaayo, maadaama bulsha aan cadaalad heysan, ayan heli karin midnimo, kalsooni, horumar, qab-weyne, is-aaminaad iyo dhiirranaan.

Ra’iisul Wasaaraha oo u hambalyeey ciidamada asluubta iyo qoysaskooda ayaa sheegay in ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ay shaqadoodu tahay toosin, barbaarin, anshixin, wacyi gelin, dib-u-caawin dad Soomaaliyeed oo si ay noloshu uga qaldantahy, kuna soo celiyaan bulshada si ay uga qayb qaataan dib-u-dhiska iyo dib-u-yagleelidda qarannimada Soomaaliyeed.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0