Faysal Cali Waraabe: “Muuse Biixi waxaa loo ballanqaaday lacag si Farmaajo uu ula Kulmo, wuuna aqbalay”

Faysal Cali  Waraabe: “Muuse Biixi waxaa loo ballanqaaday lacag si Farmaajo uu ula Kulmo, wuuna aqbalay”

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Faysal Cali Waraabe oo maanta la hadlay Warbaahinta waxa uu soo bandhigay ballanqaad loo sameeyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in lacag dhan $800 Milyan oo Soomaaliya la siinayo kolka deynta laga cafiyo, Muuse Biixi uu ku leeyahay saami dhan 30%, balse shuruud looga dhigay in Madaxweyne Farmaajo uu la kulmo, taasina uu sameeyay.

Qorshahaan waxa uu tilmaamay in uu ka shaqeeyay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo dhowaan u yeeray Muuse Biixi, waxaana kulan uu Addis Ababa kula qaatay Madaxweyne Farmaajo.

“Muuse Biixi, waxa uu baab’iyay gudaha, waxa uu sameeyay qiyaano, 10-kii bisha waxaa loosoo diray Telefoon, $800 Milyan oo Doolar oo la siinayo Soomaaliya marka deynta laga cafiyo ayaa looga ballanqaaday 30% in laga siinayo, kaliya waxaa shuruud looga dhigay in Farmaajo uu kula kulmo Jabuuti, wuuna aqbalay” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com