Kenya oo xeelad cusub kula dagaalamaysa Alshabaab

HomeWararka

Kenya oo xeelad cusub kula dagaalamaysa Alshabaab

Taliyaha Guud ee Ciidamadda difaaca dowladda Kenya, Robert Kibochi ayaa shaaciyay inay Soomaaliya ka hirgeliyeen xeelad Cusub oo ay kula dagaalamayaan

Sheeko Gaaban: Guuldarro Jacayl God ma loo Galaa! (Taxanaha 61aad-(dhegayso|daawo)
Warka Arooryo iyo Cumar Lakiman, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug oo gaaray Cabudwaaq (dhegayso)

Taliyaha Guud ee Ciidamadda difaaca dowladda Kenya, Robert Kibochi ayaa shaaciyay inay Soomaaliya ka hirgeliyeen xeelad Cusub oo ay kula dagaalamayaan Al-Shabaab, taas oo loo adeegsanayo dhinaca Tiknoolajiyada.

Xeeladaan Cusub ayuu ku sheegay inay tahay mid dadweynaha ay taageero uga helayaan, isaga oo aan Robert Kibochi faah faahin dheeraad ah ka bixin nooca cusub ee dhanka Tiknoolajiyada ah oo ay u adeegsanayaan la dagaalanka Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in qorshahaan Cusub uu yahay mid lagu hormarinayo Qalabka ay isticmaalaan Ciidamada dIfaaca Kenya, isla markaana dhaqan-gelinta mashruucaan cusub uu qaabilsan yahay Machadka Tababarka Farsamada Tiknoolajiyada Ciidamada Kenya oo la aas-aasay 1964-tii.

“Arrintaan waxay qayb ka tahay horumarinta Ciidamadeena, waxaana diyaar u nahay in aan ku guuleysano quluubta shacabka kuna beerno, kuna abuurno wadaniyad ku dheehan in dagal dag lala galo argagaxisada Al-Shabaab ayuu yiri” Taliye Robert Kibochi.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: