DFS oo sheegtay inay sanadkan dagaal la gashay musuq-maasuqa

HomeWararka

DFS oo sheegtay inay sanadkan dagaal la gashay musuq-maasuqa

Xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka Dr Sulaymaan Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda ay Sanadkaan xoojisay la dagaallanka musuq-maasuq, taas oo kor

Caawa & Daljir iyo Xasan Heykal, Daljir Garoowe (dhegayso)
Sheeko Gaaban: Guuldarro jacayl god ma loo galaa! (Taxanaha 5aad – maqal/muuqaal)
Puntland iyo Galmudug oo Tababar nabadda ku saabsan ugu soo dhamaday Jabuuti (dhegayso/daawo)

Xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka Dr Sulaymaan Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda ay Sanadkaan xoojisay la dagaallanka musuq-maasuq, taas oo kor u qaadday sumcadda dalka.

Xeer ilaaliyaha oo ka hadlayay kulan uu la qaatay bahda caddaaladda ayaa sheegay in hay’addaha caddaaladda iyo garsoorku ay yihiin kuwa la rabo inay ku dadaalaan sinnaanta, si loo dabar gooyo musuq-maasuqa aafeeyay Soomaaliya.

Dr. Sulaymaan Maxamed ayaa tilmaamay inaysan sax ahayn in Soomaaliya Sannad kasta ay kaalinta koobaad uga jirto waddamada ugu musuqa badan Adduunka, xeer-ilaaliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Sanadkan ay sameeyeen bahda Caddaaladda la dagaalankii ugu xoogga badnaa ee dhinaca Musuq maasuqa ah.

Dhawaan ayay ahayd markii ay Maxkamadda Gobolka Banaadir xukunno kala duwan ku ridday qaar ka mid ah shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta Wasaaradaha Dowladda, kuwaas oo lagu eedeeyay musuq maasuq iyo ku takrifal awoodeed.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: