Golaha Wasiirada xilka sii-haya oo la isugu yeeray kulan

HomeWararka

Golaha Wasiirada xilka sii-haya oo la isugu yeeray kulan

Golaha Wasiirada ee xilka siihaya ayaa waxaa loogu yeeray kulan aan caadi aheyn oo duhurnimada Maanta ah ka dhacay Magaalada Muqdisho. Xubnaha Gola

Warkii Xulashada Daljir iyo Subeer Sheekh Cabdi (dhegayso)
Buuhoodle: Ololaha doorashada Heer Federal oo laga dareemayo (Warbixin)
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)

Golaha Wasiirada ee xilka siihaya ayaa waxaa loogu yeeray kulan aan caadi aheyn oo duhurnimada Maanta ah ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Xubnaha Golaha ayaa xalay ilaa saakay tiro laab jeer ah waxaa loo diray farriimo ku aadan in uu jiro kulankaas,welina lama cadeyn waxa looga hadlayo kulanka iyo waxa xilligaan kusoo beegay.

Kulankaan aan caadiga aheyn ee la isugu yeeray Golaha Wasiirada Soomaaliya ee xilka siihaya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed ay xilligaan ka jiraan dalka ,isla markaana aan weli go’aan rasmi ah laga gaarin arrimaha doorada.

Golaha Wasiirada ee xilka haya ayaa ansixiyay go’aano iyo hindise sharciyeedyo tan iyo markii la riday Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Kheyre, waxaana la duray sharciyadda Xukuumad Xil Gaarsiineed ay u leedahay inay go’aano gaarto, iyadoo dalka Xukuumad rasmi ah ka jirin.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: