HomeUncategorized

Kenya oo Sheegtay Dilka Dagaal-yahanno ka tirsan Al-shabaab

November 07, 2015 (Daljir) — War Sxaafadeed ka so obaxay Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya yaa lagu sheegay inay Ciiddankooda iyo kuwa Dowladda Federalka ay iska horimaad la galeen Dagaalamayaal ka tirsan Xarakadda Alshabaab.rn

Shir ballaaran oo ku saaban fidinta iyo taabagalinta waxbarashada Puntland oo Garowe lagu qabtay.
Barakacayaasha Muqdisho oo ka cabanaya Nolol Xumo soo Wajahdey. (Dhegayso).
Muwadaaniin Soomaaliyeed oo ku xaniban Garoonka Diyaaradaha ee JOMO Kenyatta

November 07, 2015 (Daljir) — War Sxaafadeed ka so obaxay Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya yaa lagu sheegay inay Ciiddankooda iyo kuwa Dowladda Federalka ay iska horimaad la galeen Dagaalamayaal ka tirsan Xarakadda Alshabaab.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay inay  9 dagaalyahan ku dileen Iska horimaadkaasi oo ka dhacay Deegaanka Jungal oo 30-KM dhanka W/galbeed kaga toosan Baardheere.

Ciiddanka Kenya waxay kaloo tilmaameen inay gacanta ku soo dhigeen  8 qoryaha AK 47, 5 miino iyo rasaas badan, waa sida lagu xusay War Saxaafadeedka

Dhinaca kale, Ciiddanka Kenya waxay tilmaameen inay Dagaalamayaasha Alshabaab ka furteen gaari, cagafacagaf iyo dooni la sheegay inay Alshabaab kaga gudbi jireen Webiga Jubba si ay u gaaraan Gobalka Gedo.

Saraakiisha Alshabaab kama hadlin sheegashadaasi, mana jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijinayo sheegashadaasi.

 

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: