Puntland oo mar kale ka Digtay Duufaano hor leh oo gobolka ku soo wajahan

November 07, 2015 (Daljir) — Wasaradda Arrimaha gudaha dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa maanta oo Sabti ah waxay ka digtay duufaan mar kale kusoo wajahan xeebaha Puntland.

Shir jaraa’id uu goor dhawayd wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Puntland Cabdilaahi Xaaji Qoobdeero ku qabtay xafiiskiia Garowe ayuu sheegay in lagu soo war galiyay dowladda in duufaan la yiraaho MEGH ay kusoo wajahan tahay maalinta berrito ah xeebaha Gobaladda Sanaag, Bari iyo Nugaal sidaasi darteedna shacabka ku nool meelahaasi looga digato inay ka baxaan xeebaha iyo meelaha godan.

Qoobdeero waxa uu sheegay duufaantaasi oo dhanka Suqadara ka imaanaysa ay beriga Puntland soo gaarayso 8-ba bishaan, taasoo looga cabsi qabo inay waxyeelo faro badan keento, wuxuna sheegay inay dowladdu wado dadaalo kala duwan loona baahan yahay in la qaato farriimaha soo gaaraya wasaradda oo ku aadan in aan badda la galin maalmaha soo socda si looga baaqsado waxyeelada duufaanta Meega.

Duufaantan MEGH ayaa la sheegay inay Puntland gaar ahaan xeebaha ku sugnaan doonto maalmaha soo socda, balse waxaa jira gurmad loo fidin lahaa dadkii ay waxyeeleysay duufaantii hore oo ilaa iyo hadda la waayay meel loo maro, maadama wadooyinkii muhiimka ahaa duufaantii hore waxyeelo u gaysatay.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com