Muwadaaniin Soomaaliyeed oo ku xaniban Garoonka Diyaaradaha ee JOMO Kenyatta

Axad, Juun 07, 2015 (Daljir) — Muwaadiniin Soomaaliyeed oo doonayay inay Soomaaliya u soo duulaan ayaa ku Xanniban Garoonka diyaaradaha Nairobi ee Jomo Kenyatta, kaddib markii ay Kenya joojisay duullimadyadii uga imaan jiray Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dadkan Soomaaliyeed ee garoonka ku xaniban ayaa Warbaahinta u sheegay inay haystaan tigidhada safarka, isla markaana aysan garan karin sababta ay ugu xanniban yihiin garoonka Jomo Kenyatta.

Mid ka mid ah dadkaas ayaa ku warramaayo inay iska dhex-joogaan Garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta aysana jirin weli cid la hadashay oo u sheegtay sida ay wax u jiraan. Isagoo intaas ku daray in ay maqleen in Kenya ay Joojisay Duullimadyadii aadi jiray Soomaaliya, ayna arrintaas ku noqotay caqabad, maadaama dad badan oo Soomaaliyeed oo 40-ruux ah ay haatan ku xanniban yihiin garoonka.

Dowladda Kenya ayaa mamnuucday diyaaradaha Somalia aadi jiray maalin walba, taasoo l sheegay inay salka ku hayso booqashada la filayo inuu madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama uu ku tago dalka Kenya bisha July ee soo socota.

Hakinta duulimaadyadan ayaan wax saameyn ah ku yeelan Diyaaradaha Qaadka u Qaada Soomaaliya, Kuwaas oo Maalin Walba si Joogto ah uga Dega Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com