Kenya oo markale duqeysay  gobolka  Gedo

HomeWararka

Kenya oo markale duqeysay gobolka Gedo

Diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ayaa saaka waxaa ay duqeymo culus ka fuliyeen degaano hoostaga degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, waxaana ka dhashay k

Madaxweynaha Somaliland oo cafis u fidiyeey maxaabis
Warka Fiidnimo iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
Qarax xoogan oo Muqdisho ka dhacay

Diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ayaa saaka waxaa ay duqeymo culus ka fuliyeen degaano hoostaga degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Dadka ku nool tuulooyin hoostaga degmada Ceelwaaq ayaa waxaa ay sheegeen in saaka waaberigii hore ay ku bilaabatay duqeynta, waxaana degaannada la duqeeyay kunool dad Reer Miyi Xoolo dhaqato ah.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in duqeynta ay ku dhaawacmeen dad rayid ah sidoo kale lagu baabi’iyay Xoolo ay lahaayeen dadka Reer Guuraaga ah.

Todobaadkaan waa markii Saddexaad oo Ciidamada Kenya ay duqeyn ka fuliyaan degaannada hoostaga degmada Ceelwaaq, waxaana weli ka hadlain laamaha Amniga degmada iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ilaa iyo haatan kama aysan hadlin weerara joogtada ah ee ciidamada Kenya ay ka gaysanayaan gobolka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: