Axmed Madoobe: “Ra’iisal Wasaraha shaqo dacalka la haysto ma qaban karo”

HomeWararka

Axmed Madoobe: “Ra’iisal Wasaraha shaqo dacalka la haysto ma qaban karo”

adaxwaynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo khudbad dheer ka jeediyay maanta magaalada Kismaayo ayaa caddeeyay in mowqifka

Mali: Haweeney dhashay Sagaal Carruur ah
Madaxweyne deni oo qaabilay Wafdi kasocda Midowga Europe
Warka Fiidnimo iyo Axmed Nadiif, Daljir Garoowe (dhegayso)

adaxwaynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo khudbad dheer ka jeediyay maanta magaalada Kismaayo ayaa caddeeyay in mowqifka Jubbaland ee kaga aadan kaalinta siyaasadda dalka

Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu mas’uul ka yahay amniga iyo doorashooyinka, waxana uu tilmaamay in shaqada maanta dalka ka socoto ay leedahay Golaha Fulinta ee Xukuumadda Xil gaarsiinta uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaaraha.

“Mowqifka Jubbaland ee Doorashooyinka waa in dhammaan la ixtiraamo heshiisyadii la wada galay, Ra’iisal Wasaraha shaqo dacalka la haysto ma qaban karo shaqadiisa haloo madax banneeyo isagaa wadanka masuul ka ah, mindi daabkeeda la haysto RW Rooble waxba Kama qaban karo ” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu garab taagan yahay ra’iisul wasaaraha uuna hirgeliyo doorashada xor ah.

“Ra’iisul Wasaarow, masuuliyadda aad ummadda u hayso way caddahay annaguna waan ku garab taaganahay ee dalkan ka hirgali doorasho xor ah oo aan mindida daabkeeda lagula haysanin” ayuu yiri Axmed Madoobe

Mar uu ka hadlayay Kiiska dilkii Ikraan Tahliil ayuu ku tilmaamay kiisan inuu nasri u noqon doono dulmi badan oo la geystay inay kashifmi doonto iyo Ra’iisul Wasaaraha ay tijaabo u tahay in kiiskaas sida uu yahay oo qaado oo cadaalad u raadiyo, waxaa uu uga digay Madaxweyne Farmaajo in kiiska gabadhaas uusan ku sababsan mustaqbal xumo iyo madow siyaasadeed oo dad badan oo maanta siyaasadda ku jira saameyn ku yeelata.

Warka uu jeediyay Axmed Madoobe ayaa ku soo beegmaya xilli maanta uu ra’iisul wasaare Rooble ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada inay dhamaystiraan doorashada Aqalka Sare.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: