Kenya oo laga helay dad kale oo qaba cudurka Coronvirus

HomeWararka

Kenya oo laga helay dad kale oo qaba cudurka Coronvirus

Dalka Kenya ayaa laga helay labo ruux oo horleh kuwaasoo qaba cudurka Coronovirus sida uu xaqiijiyay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Madaxweynah

Askari katirsan ciidanka ilaalada midowga Afrika oo la sheegay inuu xerada Xalane ku toogtay saddex askari oo ATMIS katirsanaa
Dowladda Somaaliya oo sheegtay in dhimashadda shacabku marayso 276
Musharaxiinta mucaaradka oo cambaareeyay Xildhibaan laga musaafuriyay Dhuusamareeb

Dalka Kenya ayaa laga helay labo ruux oo horleh kuwaasoo qaba cudurka Coronovirus sida uu xaqiijiyay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha Dalka Kenya ayaa sheegay in labadan ruux ay kamid ahaayeen illaa 27 ruux oo xiriir la sameeyay haweeney hore loogaga helay cudurkan.

Labadan ruux ayaa la geeyay isbitaalka Kenyatta National Hospital iyagoo meel gaar ah lagu daweynayo.

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa ku dhowaaqay tallaabooyin loogaga hortagayo in cudurkan uu ku sii faafo gudaha dalka Kenya.

Dowlada Kenya ayaa mamnuucday dadka safarka ah ee ka imanaya dalalka uu cudurkan saameeyay muddo soddon maalmood ah inay soo galaan gudaha Kenya.

Waxaa la amray in la karantiilo dhammaan dadka soo galay gudaha dalka Kenya 14kii maalmood ee ugu dambeeyay.

Sidoo kale Dowlada Kenya ayaa amartay in la xiro dhammaan goobaha waxbarashada ee ku yaal gudaha dalkaas.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: