Itoobiya oo ku dhawaaqday Saddex Kiis oo cusub oo Corona virus ah

HomeWararka

Itoobiya oo ku dhawaaqday Saddex Kiis oo cusub oo Corona virus ah

Tirada kiisaska coronavirus (COVID-19) ee Itoobiya ayaa korortay Waxaana maanta la helay 3 kiis oo cusub sida uu sheegay Wasiirka Caafimaadka Itoobiy

Shir la Xiriira Xeerka Warbaahinta Puntland oo Garowe lagu soo Gabagabeyeey (Sawiro)
Maamulka gobolka Banaadir iyo Bankiga Adduunka oo ka wada hadlay horumarinta Caasimadda
Madaxweyne Axmed Madoobe oo u ambabaxay Kismaayo (Sawiro)

Tirada kiisaska coronavirus (COVID-19) ee Itoobiya ayaa korortay Waxaana maanta la helay 3 kiis oo cusub sida uu sheegay Wasiirka Caafimaadka Itoobiya.

Itoobiya waxay xaqiijisay kiiskeedii ugu horreeyay ee COVID-19 bishii Maarso 13.

Wixii markaas ka dambeeyay, saraakiisha waxay raadinayeen xiriirada kiiskii ugu horreeyay ee la xaqiijiyey.

Qiyaastii 117 qof ayaa lala xiriirinayay waana la karantiilay, waxaana laga helay maanta Saddex ruux oo cusub.

Dadka cusub ee Maanta laga helay Corona labo ka mid ah Waa reer Japan ah waxaana ay da’doodu kala tahay 44 , 47 iyo hal Itoobiyaan ah oo da’deedu tahay 42.

Dhammaantood waxay ka shaqeeyaan Addis Ababa waxayna xiriir dhow la lahaayeen kiiskii ugu horreeyay ee la xaqiijiyey.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay inay durba billaabeen raadinta xiriirada saddexda kiis ee cusub.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: