HomeUncategorized

Kenya Oo ku hanjabtay in ay awood u adeegsan doonto hubka dhigis lagu samaynayo deegaanka Baragoi

Nairobi, July 14- 2013- Dowlada Kenya ayaa degniin u jeedisay dadka deegaanka Baragoi ee dalka Kenya, halkaasi oo kal hore lagu dilay in ka badan 50 Askari oo ciidama dowlada ah, iyadoo isla markaasna la qaatay hubkii ay wateen

Wejiga 2-aad ee shirka wadatashiga Somalida oo Garowe ka furmi doona 15-ka bisha December.
EU condemns alleged attack on journalist, expects full inquiry into claims of tender malpractices
DHEGEYSO-Barnaamijkii ciyaaraha Daljir ee Sports News.

Nairobi, July 14- 2013- Dowlada Kenya ayaa degniin u jeedisay dadka deegaanka Baragoi ee dalka Kenya, halkaasi oo kal hore lagu dilay in ka badan 50 Askari oo ciidama dowlada ah, iyadoo isla markaasna la qaatay hubkii ay wateen.

Wasiirka arimaha gudaha iyo Amniga iyo taliyaha booliska ee dalkaasi Kenya oo booqasho ku tegey deegaanka Baragoi ee aaga Turkana, ?ayaa ugu baaqay dadka deegaanka in ay soo wareejiyaan hubka sharci darrada ah ee ay haystaan.

Wasiirka arimaha gudaha Joseph ole Lenku oo la hadlay dadka deegaanka wuxuu sheegay in hadii lagu guul daraysto hubka dhigistaasi, ay Dowlada Kenya qaadi doonto talaabo keeni karta cawaaqib xumo in kastoo ay dadaal ugu jiraan in ?wax kasta sida caadi ah ku dhamaadaan.

? Waxaan si khaas ah ugu baaqayaa burcadii dhacday hubkii ciidanka markii la laalyey Askarta, waxaan leenahay soo wareejiya hubkaas? ayuu yiri Mr. Lenku.

Taliyaha guud ee booliska Kenya iyo wasiirka arimaha gudaha ee dalkaasi waxay si wadajir ah u shaaciyeen in hadii lagu guul daraysto qorshaha hub soo wareejinta dadka deegaanka Baragoi, in Dowladu ay qaadayso talaabo awood badan iyadoo si qasab ah hub ka dhigis loo samaynayo.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: