HomeUncategorized

Rabshado ka dhacay Qardho, Sanaaduuq dab la qabadsiiyey Mudug & dhaq dhaqaaqyo ka jira Sanaag (Warbixin)

Qardho, July 14- 2013 - Deegaanadda Puntland maanta waxaa ka taagan xiisado dhinacyo badan ah kadib markii xalay degmooyinka & goboladda loo kala diray Sanaaduuqda codbixinta loo qoondeeyey.

DHEGEYSO-Barnaamijkii xulashada iyo Axmed Maxamed Nadiif.
Baahin: Isniin, 9 Sep 2013, Caawa Iyo Daljir Weriye Macamed C Cali (Kooshin) ~ Daljir ~ Garowe
Xasan Sheekh oo Muqdisho kula kulmay Danjirayaasha dalalka Jaamacadda Carabta u Fadhiya Somalia
Qardho, ?July 14- 2013 – ?Deegaanadda Puntland maanta waxaa ka taagan xiisado dhinacyo badan ah kadib markii xalay degmooyinka & goboladda loo kala diray Sanaaduuqda codbixinta loo qoondeeyey oo lagu wadey in beri 15-July -ay ka qabsoomaan dhamaan degmooyinka & tuulooyinka Puntland.
?
Qorshahan oo ahaa mid socdey mudo dheer ayaa wajahay diidmo badan oo uga timi siyaasiyiin reer Puntland ah & shacab taageersan.
?
Rabashado dhiig ku daatay ayaa ?dhacay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar kaddib markii ay rasaas is-weydaarsadeen ciidamo ka tirsan kuwa dawladda Puntland iyo kuwa siyaasiin mucaarad ah ka amar qaata oo ku sugnaa Qardho.?
?
Ciidamada Puntland ee isku-dhacyadaas ka qaybgalay ayaa ayaa la xaqiijinayaa in ay galbinayeen gaadiid ay saarnaayeen Sanaaduuqda codbixinta oo lala damacsanaa in looga codeeyo deegaannada gobolka Karkaar.?
?
Inta la hubo 4 ruux oo midkood shacab yahay ayaa ku dhintay iskudhacyadaasi Qardho, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tiro intaas ka badan sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareeddo kala duwan oo aan kala xiriirnay magaalada Qardho.?
?
Madaxda dawladda ee heer gobol iyo mid dawlad dhexe oo aan xiriiro kala duwan la samaynaya ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan rabashadda Qardho, waxaana sidoo kale aan iyana la xiriiray dhinaca kale iyo waliba odayaasha dhaqanka, dhammaantood waa ay ka cudur-daarteen intii aan la hadalnay ka warramidda arrinkaan.?
?
Xaaladda ayaa la tilmaamayaa haatan in ay u muuqato mid deggan, mana jirto wax rasaas ah oo la maqlayo, iyadoo si weyn loogu hawlan yahay xal-u-helidda xurgufta dhacday.?
?
?
Galkacyo
?
Qaar ka mid ah deegaannada gobolka Mudug ayaa maanta dab lagu qabadsiiyey tirooyin badan oo ka mid ah sanaatiikhda loogu talogalay codbixinta doorashooyinka golaha deegaanka ee Puntland.
Magaalda Galkacyo ayaa ka mid ah meelaha lagu gubeyt Sanaaduuqda, waxaana barxadda gobolka maanta lagu gubay tiro ka badan 20 Sanduuq oo kuwa codbixinta ah, kuwaasi oo la qabtay iyagoon gaarin goobihii loogu talogalay, waxaana weheliyey kumanaan waraaqaha codbixinta ah.?
?
Deegaanka Bursaalax ayaa iyana waxaa maanta lagu Gubay Sanaadiiqdii codbixinta ee Degmada Galdogob & deegaanka Bursaalax sida ay Radio Daljir u sheegeen dadka deegaanka.(Halkan ka dhegayso Odaayasha Bursaalax oo ka hadlaya Sanaaduuq lagu gubey deegaankaasi)
?
Sanaag
?
Wararka aan ka helayno magaalada Badhan ee gobolka Sanaag Bari ayaa sheegaya in halkaasi ka maanta ka jiraan dhaqdhaaqyo ciidan iyadoo laga cabsi qabo isku dhacyo ciidan oo halkaasi ka dhaca.
?
Ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland ayaa lasoo dhoobey duleedka magaalada waxaa sidoo kale kusugan magaalada Wasiiro ka socda maamulka Somaliland kuwaasoo halkaasi u yimid inay ka hortagaan doorashooyinka golaha deegaanka Puntland in laga hirgeliyo magaalada Badhan.
?
Geesta kale ciidamo ka socda maamulka Puntland aaga gobolka Sanaag ayaa xalay gudaha u galay magaalada Badhan waxaa sidoo kale kusugan gudaha magaalada Taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland ee gobolka Sanaag Cabdiraxmaan Jaamac Cashuur & ciidamo uu wato.
?
Odayaasha gobolka Sanaag ayaa lagu soo waramayaa inay wadaa dadaalo ay uga hortegayaan iska horimaadyo halkaasi ku dhexmara ciidamada Puntland & Somaliland waxaana lagu soo waramayaa in odayaashu Waftiga Somaliland ee halkaasi gaarey ku qanciyaan inay dib uga laabtaan magaalada si aan khal khal u dhicin.
?
Isimadda oo ka hadlay Xaalada ka cusboonaatay Puntland.
?
Dhinaca kale Qaar ka mid ah Isimada Puntland ayaa ku baaaqay in qaboojiyo xiisadaha ka taagan goboladda Puntland gaar ahaana rabshadihii maanta ka dhacay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.
?
Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ah Isimada Puntland oo la hadlay Radio Daljir ayaa wax laga xumaado kutilmaayay dagaalkii qardho waxanaa uu sheegay inaan xiligaan loo baahnayn in la isku laayo shacabka reer Puntland (Halkan riix oo Dhegayso hadalka Suldaanka)
?
Rabshadaha maanta ka dhacay Magaaladda Qardho ee gobolka Karkaar & Xiisadaha ka taagan meelaha kale ee Puntland ayaa ah kuwo laga digayey mudooyinkii danbe iyadoo dhawr mar lasoo saaray baaqyo lagu dalbanayo in laga hortago rabshado ka dhaca Puntland.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
Buuhoodle

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: