HomeUncategorized

Ciidamada Federaalka iyo AMISOM Oo Howgal amni sugid ka wada deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan

Beledweyne, July 14- 2013 - Deegaano badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan waxaa maalmihii tegey ka socday howgalo baaxad leh oo lagu sugayo amaanka guud, waxaana howgalladaasi oo ahaa mid balaran.

DHEGEYSO-Barnaamijkii Xulashada Daljir iyo Faadumo Ladan.
Dhegayso ARDAA2_014
Baahin: Sabti, Dec 03, C/risaaq C. Silfer ~ Daljir ~ Galkacyo. Wejiga 2-aad ee shirka wadatashiga Somalida oo ka furmi doona Garowe 15-ka December; Warbixin: Khasaaraha ka dhashay dabkii qabsaday suuqa gacansiga ee Bossaso; Puntland oo guddi u magacawday qiimaynta khasaaraha suuqa Bossaso.

Beledweyne, July 14- 2013 – Deegaano badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan waxaa maalmihii tegey ka socday howgalo baaxad leh oo lagu sugayo amaanka guud, waxaana howgalladaasi oo ahaa kuwa balaran ka hadlay Taliska dowlada ee gobolkaasi iyo ciidamada AMISOM.

Col. Isaaq Cali Cabdulahi oo ah taliyaha qeybta booliska ee gobolka Hiiraan oo maanta la hadlay warbaahinta, wuxuu sheegay in halkaasi ay ka socdeen howgalo baaris ah oo dad badan lagu qab qabtay, kaasi oo ay si wadajir ah u fuliyeen Dowlada iyo AMISOM.

Wuxuu daaha ka qaaday Col. Isaaq in haatan si la xaqiijiyey amaanka guud ee Beledweyne iyo deeganada ku xeeran, taliyuhu wuxuu intaas ku daray in howgalka ay qeyb weyn ka qaateen ciidamada Jabuuti ee jooga gobolkaasi.

Taliska booliska Hiiraan ma xusin ilaa hadda dad xiran oo howgalka lagu soo qabtay, balse waxuu xusay in ay ka hortageen weeraro la damacsanaa in laga fuliyo gobolka ?iyo falal amni darro.

Howgalka ay wadeen ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM waxaa aad loogu bartilmaameedsaday dadka lagu tuhusan yahay kooxda al-shabaab, waxaa kaloo aad diirada loo saarayey meelaha amni daradu ka jirto ee deeganada gobolka Hiiraan sida uu sheegay taliska booliska ee gobolkaasi.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: