Dagaal khasaare geystay oo maanta ka dhacay Qardho, iyo xaalad kacsanaan ah oo halkaasi ka aloosan

Qardho, July 14- 2013 – Magaalada Qardho ee xaruunta gobolka Karkaar waxaa maanta ka qarxay dagaal khasaare geystay oo u dhexeeya dhinacyo is diidan oo halkaasi jooga, wararka ay Radio Daljir ka helayso magaalada waxay sheegayaan in dhimasho iyo dhaawac jiro.

Kooxo hubaysan ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen saldhiga dhexe ee magaalada Qardho goor hore oo saaka ah, waxaana halkaasi ka dhashay iska hor imaad kooban oo magaalada laga dareemay.

Waxaa la soo sheegayaa in dagaalku uu dhacay markii dad caraysan ay weerar ku qaadeen meelo la geeyey sanaadiiqda doorashada golayaasha deegaanka, waxaana kadib dagaalku isu bedelay mid u dhexeeya dhinacyo hubaysann iyo ciidamada dowlada Puntland.

Xaalada ayaa weli ah mid kacasan, wixii warar ka soo iftiimaya waxaad kala socon kartaan bogeena Radio Daljir.

?

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com