Kenya oo dib u furtay safaarada ay ku lahayd magaalada Muqdisho

HomeWararka

Kenya oo dib u furtay safaarada ay ku lahayd magaalada Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Raychelle Omamo iyo dhiggeeda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray maanta dhism

Habraaca doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliya oo la shaaciyay
Sare ukac kuyimid qiimaha lakala siisto xoolaha ee seylada Bosaaso (dhegayso)
“Walaalow haddii aad wax isbidayso adoon Karindhiig isbaaro dhigan barxadda iskeen!”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Raychelle Omamo iyo dhiggeeda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray maanta dhismaha cusub ee safaarada Kenya ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda furitaanka ee dhismaha safaaradda ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, una badan wasaaradda arrimaha dibadda, safiirka Kenya u qaabilsan Soomaaliya iyo xubnaha wafdiga ee Raychelle Omamo ku wehlinaya safarkeeda Muqdisho.

Safaarada Kenya oo muddo lix bilood ah xirneyd ayaa timid kadib markii ay wasiirada arrimaha dibada labada dal ay wadahadalo ka yeesheen sidii caadi looga dhigi lahaa xiriirka labada wadan.

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu wadaa inay maalinta berri ah booqasho ku tagaan caasimada dalka Kenya ee Nairobi si loo sii ambaqaado wadahadalada u dhexeeya labada dowladood.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: