Habraaca doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliya oo la shaaciyay

Habraaca doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliya oo la shaaciyay

Guddiga Doorashoyinka ayaa soo saaray habraaca doorashada xubnaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka, shuruudaha, warqada anshaxa musharaxiinta u tartami doona Aqalka Sare iyo lambarada Bangiyada lagu shubayo khidmada laga doonayo musharaxa.

Qoraal ka soo baxay guddiga doorashooyinka heer federal ayaa lagu yiri, kuraasta Aqalka Sare ay isuu soo sharaxaan ugu yaraan labo musharax kursi kasta, si waafaqsan shuruudaha xubinnimada golaha Aqalka Sare.

Shuruudaha laga doonayo Musharaxa Aqalka Sare ayaa waxaa kamid ah;

1 – In uu yahay muwaadin Jamuuriyadda Fcderaalka Soomaaliya
2 – In Dhimirkiisu taam yahay,
3 – In da’diisu aysan ka yarayn 25 sano
4 – In aan xuquuuqdiisa muwaadinnimo go’aan maxkamadceed lagu hakin shanti (5) nano ee ugu danbeysay.
5 – Inuu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta.
6 – In uusan ka tirsanayn ama wax xiriir ah la lahayn koox argagixisada ah.
7 – In uu haysto waraaqda dembi la’aanta ee hey’adda dembi baarista (CID) maamul goboleed ama mid federal.

Sidoo kale musharaxa Aqalka Sare ayaa laga doonayaa inuu bixiyo lacag dhan 20,000 oo dollar hadduu rag yahay Musharaxa Dumarkana waxaa laga doonayaa inay bixiso 10,000 oo dollar.
Bangiyada lagu shubayo lacagta ayaa lagu kala sheegay Salaama Bank iyo Dahabshiil Bank.

Habraacan ayaa soo baxay xilli shan maalmood ay ka harsan tahay xilliga loo qabtay inay dhacdo doorashada Aqalka Sare,iyadoo aan laga dareemeyn caasimadaha Maamul goboleedyada diyaargarow weyn oo la xiriira sidii doorashada ay u dhici lahayd.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com