kenya oo bandow ku soo rogta magaalada Lamu

kenya oo bandow ku soo rogta magaalada Lamu

kenya ayaa bandow ku soo rogtay magaalada Lamu, kadib weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen xarun ciidamada Milatariga Mareykanka ku lahaayeen magaaladaasi, isla markaana ay ku dhinteen seddex muwadiniin Mareykan ah.

Bandowga lagu soo rogay Lamu ayaa qadan doono seddex maalmood, waxa uuna si rasmi ah uga bilaawanayaa saacaddu markay tahay 22:00 ilaa 04:00 (19:00-01:00 GMT) .

” Gaadiidka iyo dadka lama ogola in ay socdaan waqtiga bandowga, ciidanka waxa ay sugayaan amniga ayuu yiri”Muchangi Kioi oo ka mid ah boliiska dalkaM kenya.

Magaalo xeebeedka Lamu ayaa u dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Dadka degan lamu ayaa bilaaway in ay isaga barakacaan guryahooda, kadib markii ay la soo deristay cabsi xoogan.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com