Kenya oo afar maalin gudaheed Qaadka ay keento Somalia ka faa’iiday ku dhawaad labo milyan dollar

HomeWararka

Kenya oo afar maalin gudaheed Qaadka ay keento Somalia ka faa’iiday ku dhawaad labo milyan dollar

Kenya ayaa dib u soo celinta dhoofinta Qaadka Mirowga ee Soomaaliya, waxay afar maalmood gudahood ka faa’iday 221 Milyan oo ah lacagta dalkeeda, taas

Caawa & Daljir iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
DFS oo ka qeyb-gashay shir looga hadlayay ka hortagga fatahaadaha
Muqdisho: Maamulka gobalka Banaadir oo Amaro dul dhigay Hay’adaha Amaanka

Kenya ayaa dib u soo celinta dhoofinta Qaadka Mirowga ee Soomaaliya, waxay afar maalmood gudahood ka faa’iday 221 Milyan oo ah lacagta dalkeeda, taas oo u dhiganta $1,861,836.56.

Waa lacag u dhiganta ku dhawaad labo malyan oo dollar oo ay Kenya ka faa’iday ganacsigeeda Qaadka ee Soomaaliya, sida ay sheegtay madaxa Jaadka Mirowga iyo dalagyada kale ee Kenya.Felix Mutwir, ayaa shaacisay in Kenya ay Muqdisho u dhoofisay 81.4 tan oo Miirow ah afar maalmood, kadib markii suuqa dib loo furay.

Waxaan ilaa hadda dhoofinay 81.4 tan afartii maalmood ee la soo dhaafay, waxaanan filaynaa in xajmigu uu kordho maalmaha soo socda iyadoo dad badan loo fasaxay si ay badeecaddahooda dhoofiyaan,” ayay tiri.

Ganacsatada Kenya waxay halkii kiilo oo Jaad ah ku iibinayaan 2,734 oo ah lacagta dalkaas ah, taasoo ku dhawaad 238 Shillin ka yar qiimihii lagu iibin jiray ka hor inta aysan dowladda Soomaaliya xirin ganacsiga Miirowga.

Kenya ayaa loolan dhanka suuqa ah kala kulmaysa Itoobiya oo ahayd suuqa Qaadka Soomaaliya tan iyo markii suuqa Nayroobi uu xirnaa.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: