Muqdisho: Maamulka gobalka Banaadir oo Amaro dul dhigay Hay’adaha Amaanka

Muqdisho: Maamulka gobalka Banaadir oo Amaro dul dhigay Hay’adaha Amaanka

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu amar culus kusoo rogay hay’adaha ka Shaqeeya dhinaca arrimaha Bulshada, sida dhamaan Hey’addaha NGO’s ka National iyo International ee ka Howlgala Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye kuxiegenka Arrimaha Bulshada Maamulka gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir oo la ogeeysiiyay dhamaan Mas’uuliyinta Maamulka gobolka Banaadir oo ay ku jiraan maamulada degaannada Garas-baaleey, gubadleey iyo daaru-Salaam ayaa waxaa amar la dul-dhigay Hay’adaha ka howlgallka Magaalada Muqdisho.

Hoos Ka kaga bogo.

1: in Dhamaan hay’adaha ka Shaqeeya arrimaha Bulshada aysan ka howlgelli karin magaalada Muqdisho, iyaga oo aan warqad ruqso ah ka heysan xafiiska Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha bulshada maamulka G/Banaadir inta uusan dhamaan Sanadka 2020.

2: In Hay’addii aan isku soo diiwaangelin Shaqooyinka u diyaarsan sanadka 2021 in aysan ka Shaqeyn doonin dhamaan degmooyinka Gobolka Banaadir laga bilabo horaanta sanadka 2021.

3: Kadib markii lagu arkay habka ay wax u maamulaan hay’adaha Bixiya Gargaarka ka Shaqeeeya arrimaha Bulshada degmooyinka Gobolka Banaadir in aysan aheyn wax ku haboon dadka la gaarsiinayo ayaan waxaan go’aan sanay in jaangoon iyo nidaam ku sameeyno hay’ad kasta oo ka Shaqeeysa arrimo bulsho si ay u yaraato isbarbar yaaca ka jira markii ay timaado qeybin, xog arruurin ama qiimeyn.

4: In dhamaan hay’adaha ka howlgalla gobolka Banaadir laga bilaabo Maanta inay iska soo diiwaangeliyaan Xafiiska Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha bulshada maamulka G/Banaadir Basma Caamir Shakeeti.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com