Kenya & Aljeeriya oo waqti kordhin u dalbaday AMISOM.

Kenya & Aljeeriya oo waqti kordhin u dalbaday AMISOM.

Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Raychelle Omamo ayaa dhiggeeda Aljeeriya Sabri Boukadoum kala xaajootay qorshe ay wadajir u dalbanayaan in loo waqti kordhiyo howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Labada Dowladood ee Kenya & Aljeeriya ayaa isku soo hadal qaaday damaca Xukuumadda Nairobi ee la xiriira waqti dheereynta howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya si loo xoojiyo doorka muuqda ee Askarta Afrikaanka ah.

Raychelle Omamo ayaa sheegtay in door wanaagsan howlgalka sugidda amniga Soomaaliya ku leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika ka socda oo sanad waliba loo waqti dheereeyo si loo dhammeystiro dib u habeynta Ciidanka Soomaaliya si ay ammaanka ula wareegaan.

“Wasiiradu waxa ay tixgeliyeen dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku baxa AMISOM, sidaas oo ay tahay waxa ay soo jeediyeen in aan laga maarmin wada shaqeynta & ka wada qaybgalka howlgalka” Sidaasi Waxaa lagu yiri qayb kamid ah Warmurtiyeedka kasoo baxay kulanka dhexmaray labada Wasiir Arrimo dibadeed ee Kenya & Aljeeriya.

Wargeyska The Star ee Nairobi kasoo baxaya ayaa maanta oo Jimco ah daabacay sheekada la xiriirta kulanka dhexmaray Wasiirada Arrimaha dibadda Kenya & Aljeeriya oo ay diiradda ama xooggiisa ay uga hadleen waqti kordhinta Askarta AMISOM.

Xiliyada ugu badan ee Cusbooneysiinta muddo sanadeedka waa dhammaadka sanadka & Bisha Janaayo oo ah bilawga, waxaana inta badan loogu daraa Askarta Shisheeye ee ka socda Dalalka Afrika muddo sanad ah oo lagu qiimeynayo isbadalka dhanka Amniga Soomaaliya.

Bishii October 2020, The Star ayaa sheegtay in Ciidamada qaranka Soomaaliya ay dhawaan awoodi doonaan la wareegidda mas’uuliyadda ammaanka dalkooda, Ciidanka Difaaca Kenya ay isaga baxayaan Soomaaliya si Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ay u madax bannaanaadaan.

Howlgalka Midowga Afrika waxaa Soomaaliya uga dhintay Askar & saraakiil ciidan, halka kuwo kale ay ku dhaawacmeen, waxaana lexdii bilood mar badal lagu sameeyaa Ciidamada, inkasta oo ay ka gaabiyeen dhaq-dhaqaaqyada is fidinta ah oo ay wadeen sanado kahor.

Haddaba, Qaramada Midoobay ma waxaa u wanaagsan waqti kordhinta AMISOM sanad waliba mise ka qaybgalka dib u dhiska Ciidamada Soomaaliya?

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com