Jubland oo soo bandhigtay Ciidamo Cusub

Jubland oo soo bandhigtay Ciidamo Cusub

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Maamulka Jubaland ahna ku simaha Madaxwaynaha Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta kormeer ku tagay dugsiga Tababarka Ciidamada daraawiishta Jubbaland ee xerada (Ma dhammaato).

Waxaa uu halkaas kula hadlay Ciidamo cusub oo ka mid ah Ciidamada Darawiishta Jubbaland ww loo diyaariyay la dagaalanka Alshabaab .

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jublabd Maxamuud Sayid Aadan ayaa u sheegay Ciidamadan cusub inay qeyb ka yihiin dadaalka loogu jiro sidii Anmiga degaannada Jubland loo sugi lahaa kana qayb qaataan la dagaalanka Alshabaab

Xerada Ma dhamaato ayaa dhawaan waxaa banayeeyay Ciidamo ka tirsan Hawlgalka ATMIS waxaana halkaas la wareegay Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Maamulka Jubland .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com