Jubbaland oo markale shaacisay dagaal ka dhan ah Alshabaab

HomeWararka

Jubbaland oo markale shaacisay dagaal ka dhan ah Alshabaab

Taliyaha Ciidamaada Daraawishta Dawlad Goboleedka jubbaland Janeral Aadan Moxamuud Goojaar ayaa Booqday furimaha hore ee Ciidamada Jubbaland ku sugan

MAALINTA DALXIISKA ADUUNKA OO JIGJIGA LAGA XUSAY
Puntland & Xirmooyinka Dooxada Nugaal (daawo)
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)

Taliyaha Ciidamaada Daraawishta Dawlad Goboleedka jubbaland Janeral Aadan Moxamuud Goojaar ayaa Booqday furimaha hore ee Ciidamada Jubbaland ku sugan yihiin ee gobolka jubbada Hoose.

Saldhigyada uu boqday taliyaha ayaa waxaa kamid ah Deegaanada Buula Guduud,Baar Sanguuni iyo Aar Aare,halkaas oo mararka qaar ay Ciidamada Jubbaland ka sameeyaan howlgallo kala duwan.

Taliyaha oo Saraakiisha Ciidamada la hadlayay ayaa ugu baaqay inay u diyaar garoobaan howlgallo dib loogu xoreynayo Caasimadda Dawlad Goboleedka Jubbaland iyo deegaanada kale ee kujira Gacanta Al-Shabaab.

Jubbaland ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay ku dhawaaqeen howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab,hayeeshee weli go’aankaas uusan ka dhaqan gelin deegaannada Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: