Jubbaland oo mamnuucay jarista dhirta iyo shidida dhuxusha

HomeWararka

Jubbaland oo mamnuucay jarista dhirta iyo shidida dhuxusha

Maamulka jubbaland ayaa mamnuucay jarista dhirta iyo shidida dhuxusha si loo ilaaliyo degaanka. Mas’uuliyiin ka tirsan Jubaland oo gaaray degaanno

SIYAASADDA BADDA CAS IYO CEEBTII ITOOBIYA KA RAACDAY DAMACEEDII DEKED SOOMAALIYEED Q2-aad
Warka Fiidnimo iyo Najiib Maxamed Faarax, Daljir Qardho (dhegayso)
Madaxweyne Deni oo magacaabay guddiga maalgashiga Puntland (Akhriso)

Maamulka jubbaland ayaa mamnuucay jarista dhirta iyo shidida dhuxusha si loo ilaaliyo degaanka.

Mas’uuliyiin ka tirsan Jubaland oo gaaray degaanno ka baxsan magaalada Kismaayo ayaa ku amray laamaha amniga in tallaabo adag laga qaado dadka dhirta guba si ay dhuxul uga shidaan.

Mas’uuyiyiinta ayaa booqday degaanno kala duwan oo ku yaalla duleedka Kismaayo halkaas oo maalmihii u danbeeyay laga soo sheegayay kooxo dhuxulaysato ah.

Gobolka Jubada hoose ayaa kamid ah meelaha ay dhibaatada badan ku hayaan dadka loo yaqaan dhuxulaysatada ee xaalufiya degaanka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0