IGAD oo sheegtay in 50 Milyan oo qof ay saameysay abaarta ka jirta Geeska Afrika

In ka badan 50 milyan oo qof oo ku nool gobolka Bariga Afrika ayaa la filayaa inay soo wajahdo xaalad cunto yari ah sannadkan.

Urur goboleedka ayaa Jimcihii sheegay, isagoo ka digay in ilaa 300,000 oo ku nool Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan la saadaalinayo inay ku jiraan xaalado macaluul oo ba’an hadda.

Qiimayntan ay samaysay urur goboleedka IGAD ayaa ah tii ugu darnayd ee ay hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwa bini’aadantinimada iyo kuwa kale ka qeylo dhaamiyaan dhibaatada cunno yarida ee ka jirta gobolka oo ay dad badani sheegeen in si weyn loo dayacay iyada oo beesha caalamku ay diirada saarayso dagaalka Ukraine.

Qiimayntaasi waxay khusaysaa todobada waddan ee xubnaha ka ah IGAD, Djibouti ilaa Uganda.

Samantha Power, oo ah maareeyaha hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Maraykanka, ayaa socdaal ku mareysa bariga Afrika si ay u soo bandhigto dhibaatada gaajada ee ka jirta gobolka.

Caasimadda Kenya ee Nairobi Jimcihii, Power waxay ku dhawaaqday ugu yaraan 255 milyan oo doollar oo gargaar bani’aadamnimo iyo horumarineed oo la xidhiidha abaarta oo la siinayo Kenya.

Waxaa la filayaa in ay booqato Itoobiya iyo Soomaaliya,halkaas oo bulshooyinka qaar ay ku dhibaateysan yihiin afar xilli roobaad oo xiriir ah.

Power horraantii toddobaadka ayaa ka hadashay baahida loo qabo in laga hortago in cunno yarida adduunka ay noqoto masiibo, iyadoo ku dhawaaqday 1.2 bilyan oo doollar oo maalgelin ah oo ay ku jirto gargaar cunto oo degdeg ah dadka ku nool Itoobiya, Soomaaliya iyo Kenya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com