Madaxweyne Deni oo magacaabay guddiga maalgashiga Puntland (Akhriso)

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay guddiga dabagalka hirgelinta fursadaha maalgeshi ee Puntland.

Guddigan oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha wasiirrada Puntland, ayaa waxa uu madaxweynuhu faray inay la shaqeeyaan Shirkadaha maalgashi iyo kuwa balan qaaday in ay Puntland maalgashi ku samayn doonaan.

Afhayeenka Madaxtooyada maamulka puntland Jaamac Yuusuf Jaamac (Jaamac Deperani) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hadafka loo magacaabay guddigan ay tahay in ay fududeeyaan fursadaha maalgeshi ee ka jira Puntland.

Waxaa uu sheegay afhayeenku in shirkaasi oo ay ka soo qayb galeen Shirkado heer caalami ah iyo qaar kale oo horay ugu sugnaa Soomaaliya uu saameyn iyo ahmiyad gaar ah u lahaa Puntland iyo gebi ahaanba Soomaaliya.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com