Jubaland: Shirka Wasiirada Soomaaliya ee Kismaayo

HomeWararka

Jubaland: Shirka Wasiirada Soomaaliya ee Kismaayo

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed ayaa faahfaahin ka bixiyay Shirkadda maalinta Berri ah ay ku yeelanayaan golaha Wasiiradda Soom

XULASHADA DALJIR | FAADUMO DEGGAN DAAHIR | BOSAASO
Madaxwaynaha Puntland oo ka ambabaxay Garoowe iyo xildhibaanada
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo Fariin u diray Madaxda Maamul Gobaleedyada (dhegayso)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed ayaa faahfaahin ka bixiyay Shirkadda maalinta Berri ah ay ku yeelanayaan golaha Wasiiradda Soomaaliya Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay muhiimad gaar ah u leedahay Shacabka Jubbaland in golaha Wasiirada ay yimaadaan magaalada Kismaayo, islamarkaana ay ku shiraan. Shacabka Jubbaland ayuu ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan sidii loo soo dhaweyn lahaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiiradda.

“Dowladda ha socoto ha dhaq dhaqaaqo ha tagto deeganada Gobolada dalka meel walba ha tagto inay dowlad Federal tahay oo dalka dhan mataleyso ha cadeyso, Shirka Golaha Wasiirada ay yeelan lahaayeen ee ugu soo horeeyo inuu ka dhaco Magaalada Kismaayo oo marti ay noo ahaadaan waa arin farxad leh, sidaasi oo kale Guddiyada joogtada ah ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare inay iyagana noo yimaadaan oo Kismaayo ku shiraan.” Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Maalinta Berri ah ayaa Golaha Wasiiradda dowladda Soomaaliya waxaa lagu waddaa in Magaalada Kismaayo ay ku yeeshaan Shirkoodii Khamiislaha ahaa , waxaana Ra’iisul Wasaaraha Kheyre uu sheegay in tani ay qeyb tahay baahinta nidaamka dowliga ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: