Jubbaland oo iclaamisay dagaal ka dhan ah dowladda (daawo)

HomeWararka

Jubbaland oo iclaamisay dagaal ka dhan ah dowladda (daawo)

Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur Janan oo warbaahinta kula hadlayay duleedka degmada Baledxaawo ayaa faahfaahin ka bixiyay d

Maamulka Somaliland oo shaaciyeey kisaas cusub oo COVID-19
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)

Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur Janan oo warbaahinta kula hadlayay duleedka degmada Baledxaawo ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaal dhexmaray Ciidanka Jubbaland iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay geysay Gedo.

Wasiirka ayaa sheegay in weerar lagu soo qaaday Ciidanka uu xukumo iyo sidoo kale dadka kunool Beledxaawo loo geystay dhibaatooyin ay ka mid yihiin barakacin markii lagu dul dagaallamay.

Waxaa uu tilmaamay in Jubbaland ay ka go’an tahay in gacanteeda ay kusoo celiso degmada Beledxaawo, islamarkaana dhawaan ay qaadi doonaan dagaal rasmi ah oo ay qeyb galayaan dhammaan ciidanka Jubbaland.

” Dagaalo Nagu Socday Habeeno iyo Maalmo ee aanu udulqaadaneynay, lakin hada waan falcelinaynaa waana dagaalameynaa , waxaan sidoo kale joojin doona dagaal kale oo dhan si aan inta xoogga u saarno” ayuu yiri Wasiir Janan.

Ugu dambeyntii waxaa uu tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo uu kusoo duulay gobolka Gedo uuna ka abuuray khalalaase iyo barakacin wuuna qaadi doona mas’uuliyadda wixii ka dhasha dagaalka.

Daawo

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: