Wasiirka Arrimaha Dibbadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Itoobiya

HomeWararka

Wasiirka Arrimaha Dibbadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Itoobiya

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya Demeke Mekonnen iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed C/risaaq ayaa sha

Caawa & Daljir iyo Cumar Lakiman, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Madaxweynaha Jubbland Axmed Madoobe ayaa shir gudoomiyay shirka golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.
Maxaa Sababa In Dhalinyaradu Dalka Ka Tahriibaan (dhegayso dood)

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya Demeke Mekonnen iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed C/risaaq ayaa shalay ku kulmay magaalada Addis Ababa.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo khuseeya xiriirka labo geesoodka iyo arrimaha gobolka, Mr Demeke ayaa sheegaya isagoo qadarinaya cilaaqaadka soo jireenka ah ee labada dal ee deriska ah waxaa uu balan qaaday in Itoobiya ay ku dadaali doonto intii karaankeeda ah sidii xiriirkaasi loo gaarsiin lahaa heer sare.

Wasiir Maxamed C /risaaq ayaa dhankiisa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay doorka muhiimka ah ee Itoobiya ay ka qaadatay xasilinta Soomaaliya, waxaa uu kaloo sheegay in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay wadahadallo la leedahay dowlad goboleedyada oo ku saabsan doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan.

Sidoo kale waxaa uu dib xusuusiyay halka ay ka taagan tahay dowladiisa ee fahamka howlgalka sharci fulinta ee Gobolkq Tigray inuu yahay arrin gudaha Itoobiya, wuxuuna cadeeyey in Soomaaliya ay ka go’antahay dadaallada wadajirka ah ee labada dal ee dhismaha iyo ilaalinta nabada gobolka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: