JOWHAR: Buuq Iyo Qalalaase Hareeyay Doorashada Aqalka Sare

HomeWararka

JOWHAR: Buuq Iyo Qalalaase Hareeyay Doorashada Aqalka Sare

Buuq ayaa hareeyay doorasho xubnaha Aqalka Sare ee kasocotay magaalada Jowhar kaasoo ahaa kursigii labaad oo lagu dooranayay magaalada Jowhar. K

Dowladda Soomaaliya oo Mar kale ku Dhawaaqday Dagaal ka dhan ah Alshabab (dhegayso)
Xildhibaan hore Cabdibarre: “Beelaha Reer Biciidyahan waa in ay soo qabtaan 3da nin ee dhakhtarka dilay”
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)

Buuq ayaa hareeyay doorasho xubnaha Aqalka Sare ee kasocotay magaalada Jowhar kaasoo ahaa kursigii labaad oo lagu dooranayay magaalada Jowhar.

Kursigan oo ay ku tartamayeen afar musharax oo mid ka mid ahay tahay dumar ayaa markii tirinta wareeggii koowaad ay dhamaatay waxaa buuq ka bilaabay qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka waxaana la damiyay nalka hoolka uu ka socotay doorashada.

Waxaa joogsaday doorashada kursigan iyadoo shan kursi oo hore loogu doortay magaalada Jowhar ay si ammaan ah ku soo dhamaatay.

“Tiro kooban oo ka tirsan Xildhibaannadii codeynayay ayaa sameeyay qaab anshax darro ah, Dacwaddooda waxaa loo diray sharciga oo ah meesha lagu kala baxo, xeer-hoosadka inoo yaalla wixii ku qoran ayaa lagu qaadayaa” ayuu yiri Siraaji Sheekh isxaaq.

Lasoco wixii kusuoo kordha warkan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: