Joe Biden oo rajo weyn ka muujiyay inuu guuleysanayo

Joe Biden oo rajo weyn ka muujiyay inuu guuleysanayo

Joe Biden ayaa qarka u saaran inuu ku guuleysto doorashada Madaxtinimada dalka Mareykanka, isagoo aad ugu sii dhawaanaya inuu ka adkaado Donald Trump.

Mr Biden ayaa hadda heysta 253 ka mid ah 270 cod ee Ergada Codbixinta loo baahan yahay, si uu Aqalka Cad u aado, iyadoo loo marayo nidaamka codbixinta gobol gobolka ku dhisan.

Isagoo la hadlayay taageerayaashiisa ayuu sheegay in ku guuleysanayo tartanka, sidoo kale waxaa uu hoggaaminayaa cododka goobaha muhiimka ah sida Gobolada Georgia, Nevada, Pennsylvania iyo Arizona.

Guusha Biden waxay u muuqan doontaa Mr Trump inuu xafiiska ka tago Janaayo kaddib afar sano oo uu xilkaasi hayey.

Natiijada ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo labada maalin ee soo socota, waxaana muuqata in Biden isku diyaarinayo Aqalka Cad ee looga taliyo Mareykanka, si uu bisha Janaayo ugala wareego Donald Trump oo afar sano Mareykanka xukumayay.

Haddii lagu dhawaaqo natiijada waxay soo afjareysa afar sano oo Madaxtinimada dalka Mareykanka hayeen Xisbiga Jamhuuriga, isla markaana Xisbiga Dimoqraadiga uu mar kale talada dalka qaban doono, kaddib Barack Obama oo 8-sano soo xukumayay dalka Mareykanka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com