Hogaamiyaha Wadajir oo Walaac laga muujiyay xubnaha guddiga doorashooyinka

Hogaamiyaha Wadajir oo Walaac laga muujiyay xubnaha guddiga doorashooyinka

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku eedeeyay xubnaha guddiga doorashooyinka ee ay soo xuleen maamulada qaar in ay yihiin Ciidamo ka tirsan NISA.

Waxaa uu sheegay in xubnaha guddiga ee dhawaan uu ku dhawaaqay Rooble ayaa sidoo kale yihiin taageerayaasha baraha bulshada ee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa uu sheegay in ay tahay nasiib daro weyn in maanta dowladda Soomaaliya aysan kalsooni ku qabin bulshada Soomaaliyeed oo guddiyadii doorashada loo soo xulayo xubno ka tirsan NISA.

“Inta badan xubnaha labada guddi doorasho ee laga soo magacaabay Hirshabele iyo Galmudug waa xubno ka tirsan hay’adda Nabadsugidda Qaranka, waxaana badankood laga soo magacaabay xafiiska taliyaha nabadsugidda” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Halka Guddiga heer Federaal uu badankiisa yahay taageerayaashii baraha bulshada ee Madaxweyne Farmaajo, waxaana soo xulay agaasime ku xigeenka Xafiiska madaxweynaha. Suuragal maaha in masiirka Dalka iyo doorashada deegaanka aan dadkiisa metelno ay ka arrimiyaan labo wiil oo ilma adeero ah”

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com