Joe Biden oo hoggaanka u haya codadka la tiriyay ee doorashada dalka Maraykanka

Joe Biden oo hoggaanka u haya codadka la tiriyay ee doorashada dalka Maraykanka

Musharaxa xisbiga Dimuqraadiga oo hore u soo noqday Madaxweyne ku xigeenka dalka Maraykanka Joe Biden ayaa hogaanka u haya natiijada codadka la tiriyay doorashada dalka Maraykanka.

Shacabka Maraykanka oo shalay u dareeray doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa ahayd markii ugu horeysay ee dad intaa la eg u soo banbaxaan doorasho Maraykan ah tobanaankii sano ee la soo dhaafay.

Codadka la tiriyay ee dadka ayaa waxaa ay yihiin kuwo isku dhow iyadoo uu Joe Biden hadda helay codad gaaraya 61,301,378 halka uu Trump ka helay 60,141,465 hase ahaatee codadka loo yaqaan Electrol College oo ah kan lagu kala guuleysto ayaa waxa uu Biden helay 223 halka Trumpma uu marayo 174. Codadkan ayaa haddii uu helo 270 cod Biden si rasmi ah waxa uu u noqonayaa madaxweynaha Maraykanka ee afarta sano ee soo socota.

Ilhan Cumar ayaa mar kale ku guuleysatay xubinnimada Aqalka Wakiillada Mareykanka, kaddib marki ay la tartantay musharrax ka socday xisbiga Jamhuuriga.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com