HomeUncategorized

Jiritaankii hay’adda dawliga ah ee federaalka oo maanta ku eg iyo jahadii dhaqaaq oo aan wali lagu dhawaaqin.

Mudisho, Aug - Waxaa maanta oo Isniin ah ku eg xilligii jiritaan hay'adda dawladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya, kaasoo ku astaysnaa 20-ka bishaan Agoosto

DHEGEYSO-Barnaamijkii xulashada iyo Axmed Maxamed Nadiif.
(DHAGEYSO) Puntland oo bilowday Qaadida Imtixaanka Shahaadiga ah
Dhagayso Barnaamij Gaah oo ku saabsan Ammaanka Gobolka Bari Wariye Xassan Haykal

Mudisho, Aug – Waxaa maanta oo Isniin ah ku eg xilligii jiritaan hay’adda dawladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya, kaasoo ku astaysnaa 20-ka bishaan Agoosto oo ah wakhtiguu dhammaanayey sannadkii horay loogu daray dawladda m/weyne Shariif.

Qorshaha horay loo meeleeyey ee ku aaddanaa 20-ka Agoosto, ayaa ahaa maanta in ay dhacdo doorashada madaxtinimada Soomaaliya, hase ahaatee taasi ma dhicin maanta, walina lama shaacin inta uu le’ekaan doonoo xilliga dib-u-dhac.

Sidoo kale waxaa caddayn cidda sii hayn doonta hoggaanka dalka, maadaama wakhtigii ka idlaaday mas’uuliyiinta dawladda federaalka iyo dhammaan hay’adda dawliga ah ee ay ka soo kala jeedaan.

Siyaabo kala duwan ayaa loo tilmaamayaa qaabka wax noqon doonaan, xog-ogaallada qaar ayaa tilmaamaya sidooda hay’adaha dawladdu in ay u sii shaqayn doonaan illaa iyo inta laga dooranayo hoggaan cusub.

Qaar kale aragtiyuhu, waxay tilmaamayaan si gaar ah xilkaasi in uu u soo hayn doono guddoomka maxkamadda sare, halka kuwo kalena ay leeyihiin hawl dhammaanteed waxaa la wareegi doona baarlamaanka cusub ee haatan la soo gudbiyey.

Sikastaba oo ay ahaataba, waxaa lagu wadaa arrimahaani in ay kala caddaadaan galinka dambe ee maanta, lana bidhaamiyo dhabbo-raac lagu soo dhaqmi doono inta hoggaan cusub laga dooran dooranayo.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(G).
 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: