Jabuuti oo lagu soo dhaweyeey Madaxweyne Muuse Biixi

HomeWararka

Jabuuti oo lagu soo dhaweyeey Madaxweyne Muuse Biixi

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si heerkeedu sareysay oo maqaam leh loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha

Taliyaha qaybta Gobalka Mudug oo go’aano ka soo saaray iibka dhulka Garacad (Daawo)
Suldaan Wabar oo sheegay in uu ka dambeeyay weerarkii Boorama (dhegayso)
Gudoomoyaha Gobolka Sool Puntland: ”Soomaaliland waxay rabtaa in ay carqaladayso nabadda laga wado Dhumey” (dhegayso)

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si heerkeedu sareysay oo maqaam leh loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Jabuuti, iyadoo roog cas loo fidiyay.

Wafdiga Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Jabuuti C/qaadir Kaamil Maxamed, iyadoo kulan gaar ah ku qaateen qeybta VIP-da garoonka diyaaradaha.

Madaxweynaha Somaliland ayaa loo galbiyay Qasriga Madaxtooyada Jabuuti, halkaasoo uu ku qaabili doono Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxaa goor dhow la sugayaa wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Shir heerkiisu sarreeyo oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Somaliland ayaa goor dhow ka furmaya, kaasoo uu shir guddoominayo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxaa sidoo kale shirka ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: