Suldaan Wabar oo sheegay in uu ka dambeeyay weerarkii Boorama (dhegayso)

HomeWararka

Suldaan Wabar oo sheegay in uu ka dambeeyay weerarkii Boorama (dhegayso)

Xoogagga la magacbaxay Jabhadda Awdal ee gobolada Soomaliland ayaa maanta weerar ku qaaday saldhiga ciimada Booliska ee magaalada Boorama. Weerarka ka

XULASHADA DALJIR | FAADUMO DEGGAN DAAHIR | BOSAASO 5-FEBRUARY-2023
Warka Arooryo iyo cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
PUNTLAND OOO WAR-SAXAFADEED KA SOO SAARTAY DAGAAALKA SOOL

Xoogagga la magacbaxay Jabhadda Awdal ee gobolada Soomaliland ayaa maanta weerar ku qaaday saldhiga ciimada Booliska ee magaalada Boorama. Weerarka kaddib waxa ay israsaaseen kooban ay dhexmartay ciidamadii ku sugnaa saldhiga iyo xoogaga Jabhada Awdal sida ay Daljir u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Kooxdan ayaa haatan waxa ay ku suganyihiin duleedka magaalada Boorama, waxaan hoggaaminaya Suldaan Abibakar Cilmi Suldaan Wabar oo sheegay in uu yahay Afhayeenka Jabhadda.

Suldaanka ayaa sheegay in ay ka gadoodeen dulmiga uu maamulka Muuse Biixi uu ku hayo shacabka ka soo jeeda deegaanada Awdal.

25kii bishan ayay ahayd markii sidan oo kale jabhaddu ay weerar ku qaaday Borama xilli habeenimo ah, ayna kula wareegeen baabuurkii lacagaha cashuurta iyo dakhliga Awdal u qaadayey magaalada Hargeysa.

dhanka kale, Taliye Kuxigeenka maamulka Soomaliland Faarax Maxamed Mire oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in raggii weerarka soo qaaday ay galeen xadka Itoobiya.

Dhegayso.

Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: