JABUUTI MA JID LOO MARAA WADAHADALKA SOMALILAND?

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

JABUUTI MA JID LOO MARAA WADAHADALKA SOMALILAND?

Ergaygii dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud u magacaabay wadahadalada Somaliland ayaa maanta ka soo muuqday qasriga Madaxtooyada Ja

Soomaalidu waa geesiyaal waa been fakatay: Ninkii nooloow taariikhda daris si aan berri mar kale loogu aayin!
Waraysi Guddoomiye Welkam: Marxaladihii u Qareemidda Wariye Cumar Dheere (dhegayso)
Ina Khashoggi: Boowe salaan igu khasab laakiin qosol ha iga sugin. Yaa guushu raacday?

Ergaygii dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud u magacaabay wadahadalada Somaliland ayaa maanta ka soo muuqday qasriga Madaxtooyada Jamuuriyadda Jabuuti, isagoo dhinac fadhiya Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Horay ayaa loo tilmaamayey magacaabidda ergaygaan doorweyn in ay ku lahayd dawladda Jabuuti, uuna riixayey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, taasoo nuxur tiri karta wada-hadallo natiijo dhala oo ka soo baxa arrinka waanwaanta siyaasadeed ee labda dhinac.

Puntland maalmo kahor warsaxaafadeed ay soo saartay uga hortimid magacaabidda Ergaygaas, iyadoo ku tilmaantay falsafad siyaasadeed oo lagu marinhabaabinayo ra’yiga bulshada caalamka iyo midka Soomaaliyeed, si aan loogu dhug iyo dhaayo yeelan dhibaatada ka taagan magaalada Laascaanood oo Somaliland dagaaal iyo duullaan qaawan ka waddo muddo labo bilood ah, laguna laayey dad badan oo shacab ah, kuwanaa guryahoodii laga qixiyey, hantidoodii ma guudhada ahayd iyo tii maalna la burburiyey.

Madaxweyne Iamaaciil Gumar Geelle ayaa siyaabo kala duwan rafiiq ula leh Somaliland, loona xagliyaa siyaasaddiisa, taasoo marar badan shaki galisa midnimada Soomaaliya iyo mawqofka dawladda Jabuuti ka taagantahay, marka la barbardhigo goosi raadinta Somaliland iyo garabsiinta siyaasadeed ee Jabuuti.

Xilligaan oo dagaal ka socdo magaalada Laascaanood, Somaliland-na ay weerar ku hayso dadka shacabka ah, dawladda Jabuuti waxaa lagu eedaynayaa in ay Somaliland ku gacansiiso hub iyo saanad millatari oo lagu sii huriyo colaadda Laascaanood, waxaana saanaddii u dambaysay Jabuuti ka timid labo maalin kahor, taasoo lagu soo galbiyey gaadiid xammuul ah.

Wadahadal kasta oo lagu raadinayo Somaliland, uma baahna in laga dhex fiiriyo dano siyaasadeed iyo ujeeddooyin ka dadban kuwa dadka iyo dalka Soomaaliyeed, ama gacan saddexaysa labada dhinac ee la isku baadigoobayo.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: